Nin Toogasho ku dilay Askari Nabadsugid ah oo Isna La Dilay Duleedka Muqdisho.

0

Nin la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay Kooxda Alshabaab oo ku hubaysnaa Bastoolad Nooca Makaarufta loo yaqaan ayaa ku dilay Askari ka tirsan Nabadsugidda Qaranka Deegaanka Tabeelaha Sh Ibraahim ee Duleedka Muqdisho, kadib isna waxaa toogtay Ciidamo kale oo ka tirsan NISA oo ka ag dhawaa Goobta.

Sarkaal ka tirsan NISA ayaa u sheegay HornAfrik in Ninka Hubaysan uu toogasho ku dilay Dable Iidoow Xasan Maxamad oo ka tirsan Ciidankooda, kadibna uu isku dayay inuu baxsado, balse ay Ciidamadoodu toogteen, Waxaana Maydkiisa iyo Bastooladdii uu watay loo soo bandhigay Warbaahinta.

Dilkan ayaa imaanaya xilli ay Dadka Muqdisho wali la argagaxsan yihiin 2 Xasuuq Wadareed oo ay Kooxda Alshabaab ka gaysteen Muqdisho, kuwaasoo mid ka mida ay sheegteen, midna ay inkireen.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.