Dhagayso: Waraysi Laga Qaaday Ninkii Isku Qarxiyay Naasahablood2+Magaciisa iyo Qabiilkiisa.

0

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigay Waraysi ay ka qaadeen Mid ka mida Raggii weeraray Sabtidii Hotelka Naasahablood 2 ee Muqdisho. kaasoo sheegaya Magaciisa iyo Qabiilkiisa.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Xuseen Rukoow Maadeey oo ay Kooxdiisu u taqaan Carab waxa uu ku sheegay Qabiilkiisa Beesha Gaaljecel, isagoona sheegay in Hooyadiis ay kaligiis ka dhashay Wiil, isla markaana ay dhabarka ka soo dharbaaxday markii uu u sheegay inuu is qarxinayo. Wuxuuna ku booriyay Waalidiinta kale ee Soomaaliyeed inay Wiilashooda haligaan oo sidiisii kale u soo diraan inay is qarxiyaan, Dadka Soomaaliyeedna laayaan.

Ismiidaamiye Carab waxa uu dhaliilay Beeshiisa Gaaljecel oo uu ku eedeeyay inay ka gaabisay Dagaalka Argagixisanimadda ah ee Shabaab oo uu isagu u yaqaan Jihaad, Wuxuuna ugu baaqay inay ka soo tagaan Dhaqashadda Geelle oo ay Dagaalka ku soo biiraan.

Mar uu ka hadlayay Sababta uu isku qarxinayo waxa uu ku sheegay inuu ka carooday Gabdhaha Soomaaliyeed oo uu sheegay in loo diiday inay Indhashareer xirtaan, gacmahana Goloofis gashadaan, taasna ay ku qasabtay inuu is qarxiyo si uu u xoreeyo, Waxaase la yaab leh inuu Indha Shareer ugu aarguday inuu daadiy0 Dhiiga Maato Soomaaliyeed.

Naftiis Halige Carab waxa uu sheegay inuu jecelyahay Hooyadiis iyo Aabihiis, isagoona ka codsaday inaysan ooyin, maadaama uu sheegtay inuusan  dhiman oo uu Shahiiday, Wuxuuna aaminsan yahay inuu Maalinta Qiyaamo u Shafeeco Qaadayo.

Halkan ka dhagayso Codka Ismiidaamiyaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.