Xog: Akhriso Shaqsiyaadka loo Qorsheeyay Xilalka Nabadsugidda iyo Booliska Soomaaliya.

0

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Shaqadda laga eryay Madaxdii Nabadsugidda iyo Booliska Soomaaliya waxaa soconaya Tartan xooggan oo ay Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale ugu jiraan in loo magacaabo Xilalkaasi.

Gen Bashiir Maxamad Jaamac ayaa laga yaabaa in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wuxuuna Jananku oo Dadaal ugu jira in loo magacaabo Xilkan uu kala hadlay Madaxda Qaranka inay u igmadaan Shaqadan, isla markaana uu wax badan ka badali karo habacsanaanta Booliska, iyadoona ay Madaxda qaar soo dhaweeyeen doonista Gen Bashiir Goobe.

Xilka ay dooda ugu badan ka taagan tahay ayaa ah kan Nabadsugidda Qaranka oo Dad badan u xusul duubayaan, isla markaana ah meesha ay sarta ka qurun san tahay oo haddii loo heli qof ku haboon uu isbadal ku imaan karo Amniga Gudaha Dalka.

Gen Xasan Muungaab, Col Xasan Cali Nuur Shuute, Gen C/raxmaan Tuuryare, Gen Maxamad Sh Xasan Xaamud, Siyaad Maxamuud Shire, Zakariye Ismaaciil oo Markiisii hore Alshabaab ahaa iyo Masuuliyiin kale ayaa u xusul duubaya in loo magacaabo Xilka Taliyaha NISA, Waxayna dhamaantood Saraakiishan u gudbiyeen Warbixin Nololeedkooda Xafiisyadda Madaxwaynaha iyo Raiisulwasaaraha,  Balse waxaa soo baxaya in mar kale NISA loo magacaabo Wadaad Rayid ah oo ka tirsanaa Urur Diimeedka Saaciduun Bil Xaq oo lagu magacaabo C/risaaq Shoole. kaas oo uu u ololaynaya Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin in Xilkaasi loo dhiibo.

Shoole oo hadda Agaasime Ku Xigeen ka ah Madaxtooyadda ma lahan Taariikh Ciidan, Waligiisna kama shaqayn howlo Amni, Waxaana wararku ay sheegayaan in lagu qanciyay Raiisul Wasaare Khayre isna in Shoole loo magacaabo Xilkan.

C/risaaq Shoole ayaa haddii loo magacaabo Xilka Agaasimaha NISA waxay sii fogaanaysaa Xiriirkii ay Hay’addu la lahayd Sirdoonadda Dibadda, kuwaasoo ka caawiya Soomaaliya dhinaca Tababaradda iyo Macluumaadka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.