Sawirro:-Guddiga Amniga Baarlamaanka Oo Ka Shiray Xaalada Amni Ee Dalka

0

Guddiyadda Arrimaha Guddaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka Oo Galabta kulan ku yeeshaya Villa hargaysa ayaa ka wada hadlay Xaaladaha Amni ee Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Dalka Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen inta Badan Xubnaha labada Guddi ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayay labada Guddoomiye Guddiyadda Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheikh iyo Xil.Xussein Carab Ciise.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Guddoonka Golaha Shacabka loo gudbiyay mooshin lagu dalbanayo in laga doodo Ammaanka Dalka. kaas oo Gudoonka uu shaaciyay in Guddiyada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ay war ka soo saari doonaan.

Guddiyadan ayaa Natiijadda Doodooda u gudbin doona Gudoonka Baarlamaanka si ay u hor geeyaan Baarlamaanka oo ka doodi doona.

Guddiga Amniga Ee Baarlamaanka
Guddiga Amniga Ee Baarlamaanka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.