Dhagayso: Guddoonka Golaha shacabka oo sheegay in loo soo gudbiyay mooshin ku saabsan xaalada amni ee dalka

0

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka u gudbiyay mooshin ku saabsan xaalada amni ee dalka.

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa fadhigii maanta ka sheegay inuu ka guddoomay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka mooshinka.

“Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka waxay ii keeneen mooshin ku saabsan amniga dalka, in laga hadlo waxa kaga aadan xaalada amni ee dalka, si gaar ah ayay noo taabaneysa howlaheena waaye”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Golaha shacabka.

Waxaa uu ugu baaqay Guddiyada Difaaca iyo Amniga inay galabta isugu yimaadaan Villa Hargeysa, si looga hadlo qaabka loogu wajahayo mooshinka, si wixii ay isla meel dhigaan u hor-keenaan Baarlamaanka.

Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegaya in mooshinkan uu suura gelin doono in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha ama Wasiirka Amniga, inkastoo shalay Golaha Wasiirada ay xilka ka qaadeen Taliyaha Nabadsugida iyo Taliyaha Booliska

Bishan gudahood ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay labo weerar oo is qarxin ah, kaasoo dad badan ku dhinteen, 14-kii bishan weerar qarax loo adeegsaday baabuur xamuul oo ka dhacay Isgoyska Zoobe waxaa ku dhintay in ka badan 300 oo ruux, halka labo maalin ka hor weerar lagu qaaday Hotelka Naasahablood lagu dilay dad ka badan 20 ruux

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.