Al-Shabaab Oo Xukun Toogasho Ah Ka Fuliyay Degmada Buq’Aqable

0

Fagaare ku yaalla degmadaas Buq’aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab waxa ay barqanimadii Maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Nin ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay ciidamada Jabuuti oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Boqolaal ka mid Shacabka degmadaas ayaa Goobta ku sugnaay kuwaas oo lagu wargeliyay Saakay in ay soo daawasho tagaan.

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Cadow oo da,diisa lagu sheegay  51 Sano jir,waxayna ku sheegeen in Nnkaan uu jaajuus u ahaa Ciidamada Jabuuti sida ay hadalka u dhigeen.

Kooxda Alshabaab waxay ka sameeyaan Dilal meelaha ay ka taliyaan, iyagoo qofka ay rabaan inay dilaan ku eedeeya Jaajuusnimo, Macsi iyo waxyaabo kale, Waxaana ay ku toogtaan barta ay ku xukamaan, iyadoo uusan Eedaysanuhu lahayn Qareen, Sidoo kalana uusan ka qaadan karin Racfaan Xukunka lagu riday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.