Xog: Taliyayaasha Nabadsugidda iyo Booliska oo Shaqada laga eryay.

0

Shir Deg Deg ah oo la isugu yeeray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Somaliya ayaa Xilalkii looga qaaday Agaasimihii Guud ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Saacid.

War Hordhac oo ay heshay HornAfrik ayaa sheegaya in Sanbaloolshe iyo Saacid laga eryay Shaqadda, isla markaana si KMG ah loogu dhiibay Xilalkooda Ku Xigeenadooda, Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in Wasiirka Amniga Gudaha-na laga yaabo inuu is casilo, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku fashilmay wax ka qabashadda Amniga.

2 Usbuuc Gudahood ayaa Muqdisho waxaa ka dhacay Weeraro Argagixisanimo oo ay in ku dhow Kun Qof ku dhimatay, iyadoona ay Hay’adaha Amniga Somalia ku fashilmeen wax ka qabashadda iyo ka hortagga weeraradda noocan ah.

Gen Saacid ayaa Safar u baxay 14-kii October Saacado ka hor intii uusan dhicin Qarixii Soobe, halka Sanbaloolshe isna uu ku soo koobay Shaqadiisii inuu Maqaalo uu ku aflagaadaynayo Dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya ku qoro Wargayso Caan ah.

Taliyaha Nabadsugidda Gobalka Banaadir, Saadaq Joon ayaa isna ka mida Shaqsiyaadka laga eryayo Shaqadda ee ku fashilmay Amniga Dalka, Waxaana Xalay la weeraray meel u muuqata Xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir ee Godka Jilacoow, taasoo ka dhigan inay xittaa ogaan waayeen Weeraradda lagu soo qaadayo Agagaarka Xafiisyadooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.