Tarsan Oo Aan ka Hadlin Weerarkii Soobe ayaa Afka Furtay markii Shalay La Dilay Wiil uu Adeer u yahay.

0

Maxamed Axmed Nuur Tarsan la taliyaha dhanka Siyaasada Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Muqdisho kadib weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maydadka Alshabaab la suro Wadooyinka Qaar si ay u Dareemaan Xanuunka.

Tarsan ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee sababta qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ay tahay Xaasaska iyo Caruurta Saraakiisha Alshabaab ee iska jooga Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin Jaajuusiin, Wuxuuna kula taliyay Hay’adaha Ammaanka inay Magaaladda ka saaraan Qoysaska Saraakiisha Alshabaab.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab sida kaliya ee looga  adkaan karto ay tahay in tallaabo kasta ay qaadaan laga daba qaado islamarkaana Meydkooda wadooyinka qaar la suro.

Xiliga uu sheegayay Warkaan Tarsan ayaa wajigiisa waxaa laga dheehan kara caro aad u weyn ee uu ka qaaday weeraradii Hoteelkii Naasahablood 2 oo lagu laayay Dad Shacab ah oo uu ku jiro Wiil uu Adeer u yahay oo Taliye ka aha Saldhiga Booliska Dayniile, Kaasoo lagu magacaabo Fanax Xagaleey, Waxaana uu Madax u ahaa Illaaladda Tarsan markii uu ahaa Duqa Magaaladda Muqdisho, isagoona sidoo kale Masuul ka ahaa Hub iyo Gaadiid Dagaal oo uu Shaqsiyan u samaystay Tarsan intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Tarsan marna sooma uusan hadal qaadin Weerarkii Dadka badan lagu xasuuqay ee ka dhacay Soobe, balse waxa uu billaabay Qayladii lagu yaqaanay markii uu dhintay Wiil uu Adeer u yahay, taasoo muujinaysa inuusan dan ka lahayn Xasuuqa loo gaysanayo Shacabka Soomaaliyeed, balse marka Xanuunku soo gaaro Gurigiisa uu Afka furtay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.