Taabit “Lama Aqbali Karo in 2 Usbuuc Gudahood Musiibo kale nagu dhacdo, Waa In Isla Xisaabtan jiro,”

0

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho, Taabit Cabdi ayaa ka tacsiyeeyay Musiibaddii Galabta ka dhacday Hoteelka Naasahablood 2 ee Degmadda Xamarwayne, Wuxuuna sheegay inay wadaan Dadaalo ay ku soo samatabixinayaan Dadka wali ku go’doonsan Hoteelka, isagoona sheegay inay illaa iyo hadda soo badbaadiyeen Dad hor leh.

Gudoomiye Taabit waxa uu sheegay inaan la aqbali karin in Labo Usbuuc Gudahood ay Musiibo kale dhacdo, Wuxuuna sheegay inay tahay in si dhab ah la iskula xisaabtamo, Isla markaana ay jirtaa cid qaadata Masuuliyadda.

Taabit oo Qoraal kooban ku soo qoray Bartiisa Facebook waxa uu sheegay in Musiibiiyinka noocan oo kale ah looga hortagi karo oo kaliya in cid walbaa ay Shaqadeeda si sax ah u gudato.

Duqa Muqdisho Taabiti ayaa noqday Masuulka kaliya ee Dowladda ee aan har iyo habeen ka daalin gurmadkii laga samaynayay Musiibadda Soobe, iyadoona la arkayay isagoo dhiniciisa ka baadi goobaya Dhismayaasha Burburay Maydadka iyo Dhaawacyadda, Isbitaaladda dhex taagan oo dhiig ku deeqaya, illaa ugu dambayn uu Guryahooda ugu tagay Qoysaskii Ehelka iyo Asxaabtii ay jeclaayeen ku waayay Qaraxaasi, taasoo aan looga baran Madaxda Soomaalida.

Masuuliyiintii Amniga ee u xilsaarnaa inay ka hortagaan Qaraxyadda waxay ku mashquuleen Arrimo Siyaasadeed iyo Safaro.

Madaxda Nabadsugidda Somalia waxay waqtigooda badankiis galiyeen Xiisadda Galmudug, iyadoo Ciidanka NISA ay ku wargaliyeen inaysan ka amar qaadan Madaxda Galmudug.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, iyo Ku Xigeenkiisa iyaguna waxay Dalka ka ambabaxeen Subaxnimaddii 14-kii Bisha, Saacado ka hor intii uusan dhicin Qarixii Soobe, iyagoon illaa iyo haddana ku soo laaban Dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, oo ah Nin Ganacsade ah waxa uu leeyahay Hoteelka Caawa ay Alshabaab ka dhex dagaalmayaan, taasoo muujinaysa inuu ugu yaraan ogaan waayay xittaa Weerarka lagu soo qaaday Hoteelkiisa ka hor inta uusan dhicin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.