Dhagayso: Alshabaab Oo Soo Bandhigay Magacyadda Masuuliyiin ay ku Dileen Weerarkii Hotel Naasahablood2.

0

Iddaacadda Alshabaab ee Andalus ayaa baahisay Magacyadda Saraakiil iyo Masuuliyiin ay sheegeen inay ku dileen Weerarkii ay Shalay ku qaadeen Hoteelka Naasahablood 2 ee Degmadda Xamarwayne.

Magacyadda Masuuliyiinta ay Sheegeen inay Dileen:

1. Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.

2. Korneel Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay 10 ilaaladiisa ah.

3. Xasan Buufoow oo ahaa Korneel katirsan Nabadsugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.
4. Gaashaanle Bootaan oo ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.
5. Madoobe Nuunoow oo ahaa Waziirkii arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.
6. Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Waziirka Amniga ee dowladda Federaalka.
7. Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xildhinaadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh ka soo noday Wasiiru dowle.
8. Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu amgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.
9. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabadsugida qeybta bari oo ah degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis., waxaana xusid mudan inuu hogaaminayay ciidamada Dowladda ee dagaalka la galay Dagaalamayaasha Alshabaab ee soo weeraray Hoteel Naasahablood 2.

 

Dhaawacyadda

1. Shariif Cabdi Cali oo ahaa Taliyaha howlgelinta Ciidanka Gaashaan.

2. Cumar Cabdalla, (Burunteey) oo ahaa Abaanduulaha guud ee Ciidamada Gaashaan.

3. Maxamed Xasan oo ahaa Taliyaha guutada Waran.

4. Fanax, Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Kaxda.

5. Laba Ruux oo Turki ah ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay  Weerarkaasi

Halkan Hoose ka dhagayso Wariyaha Kooxda Argagixisadda ah ee Alshabaab Jibriil Nuur Yuusuf oo Warbixin arrintan ku saabsan ka jeedinaya Iddaacada Kooxda Alshabaab ee Andalus.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.