Wasiir Hore Madoobe Nuunoow oo La Sheegay inuu ka mid yahay Dadka ku dhintay Hotel Naasahablood.

0

Ciidamadda NISA ee ku jira Gudaha Hotel Naasahablood ayaa ku arkay Halkaas Maydka Nin Buuran oo Cirro leh oo uu ag yaalo Aqoonsiga Madoobe Nuunoow oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Somalia.

Madoobe Nuunoow ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin daganaa Hoteelka Naasahablood 2, Waxaana Ciidanka oo aan horay u aqoon Muuqaalka Madoobe Nuunoow ay sheegeen inay arkeen Qof mayd ah oo uu ag yaalo Aqoonsiga Magaca Madoobe Nuunoow ku qoran yahay.

illaa iyo hadda Masuuliyiin kale ayaa ku go’doonsan Hoteel Naasahablood, Waxaana socda Dagaal u dhaxeeya Ragga Hubaysan ee Gudaha u galay Hoteelka iyo Ciidamadda Ammaanka, iyadoona Isgaarsiinta Nabadsugidda oo ay dhagaysatay HornAfrik uu amaro ka bixinayay Taliyaha Ciidanka, Sanbaloolshe oo ku amrayay Ciidanka inay isticmaalaan Bambaanooyin iyo Hub Culus, taasoo Ciidanku ay u sheegeen inaysan suuragal ahayn oo wali ay Dad ku jiraan meesha.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.