Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Oo Maanta Baaqday, Akhriso Sababta.

0

Maanta ayaa qorshuhu aha in uu Muqdisho ka furmo shirka Madaxda dowlad goboleedyad dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya balse waxaa la sheegayaa in uu dib u dhacay.

Baaqashada shirka Maanta ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa isaga oo Warabahinta kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde kadib markii uu soo dhaweeyay  Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wasiir Juxaa waxa uu sheegay in Maanta ay imaanayaan Madaxwayne Goboleedyadda harsan, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in Kulanka uu noqdo mid mira dhal ah. Wuxuuna u mahadceliyay Xildhibaanadda iyo Shacabka soo dhaweeyay Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf.

Shirkaan oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu furmo Maanta oo sabti ah ayaa sababta uu dib ugu dhacay waxa lagu sheegay in qaar ka mid ah Madaxda Maamulada aysan imaan Muqdisho.

Shalay waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan,  Maantana waxa yimid Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.