Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayey oo maalmahaan ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Turkiga kulamo kala duwan lasoo yeeshay madaxda dowladda Turkiga, iyada oo waxyaabihii ay ka wada hadleen isku soo fahmay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale Turkiga intii uu joogay soo booqday dhaawacyada musiibadii 14-ka October ee kujira Isbitaalada dalka Turkiga.

Dib u soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dalka ayaa ku soo beegantay, iyadoo qabanqaabadii u dambeysay ee shirka dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada ay socoto, waxana uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federalka in shirka uu furmayo berri oo Axad ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.