Raggii Hubaysnaa ee Galay Hotel Naasa Hablood oo Isugu tagay Dabaqa 2-aad, iyo Masuuliyiin ku go’doonsan Hoteelka.

0

Saraakiil ka tirsan Ciidanka NISA ee Gudaha u galay Hotel Naasahablood ayaa u sheegay HornAfrik inay la wareegeen Dabaqa 1-aad ee Hoteelka, iyo Dabaqa 3-aad, balse ay gali la’yiiin Dabaqa Labaad oo Ragga Hubaysan ee ka tirsan Alshabaab ay isugu geeyeen Awoodooda.

Dabaqa Labaad ayaa laga maqlayaa Rasaas u muuqata inay ku dilayaan Dad, iyagoo sidoo kale jabinaya Qolal hor leh oo Hoteelka ka mida, Waxaana la maqlayaa sidoo kale Bam Gacmeedyo ay isticmaalayaan.

Saraakiil ay qaarkood yihiin Janaraalo Ciidan ayaa ku go’doonsan Hoteelka, Waxayna la soo xiriirnayaan Saraakiisha NISA oo ay u sheegeen Qolalka ay ku jiraan, waxaase la yaab noqotay in Nambaradda Qolalka ay ku jiraan in laga sheegay Isgaarsiinta Halow Halowga ee ay Ciidamaddu isticmaalaan, taasoo si fudud lagu ogaan karo, balse HornAfrik iyadoo illaalinaysa Amniga Dadkaasi marna ma baahin doono Tirsiga Qolalka ay Masuuliyiintan ku jiraan.

Weerarkan ayaa u muuqda inuusan soo afjarmi karin Caawa, marka loo eego wixii laga bartay Weeraradii noocan oo kale ahaa ee ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo marka la isla gaaro Habeen aan la soo afjari jirin, sababo la xiriira Meesha oo Mugdi ah, iyo Ciidanka oo aan ku dhiiran karin Habeen madoow inay Dhismayaal Burbursan oo aan Iftiin lahayn ka sameeyaan Howlgal, Waxaana Weeraradda la isla gaaro gabal dhac ay caadiyan dhamaadaan Waabarigii.

inta la hubo weerarkan waxaa ku dhintay 15 Qof, 20 kalana way ku dhaawacmeen, iyadoona aysan jirin cid ka tirsan Dowladda Somalia oo ka hadashay arrintan.

Weerarkan waxa uu dhacayaa 2 Usbuuc kadib Weerarkii Soobe oo dhacay Maalin Sabti ah, Waana Sabtidii 2-aad ee October oo uu Muqdisho ka dhaco Weerar Argagixisanimo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.