Qarax Xoog leh oo ka dhacay Degmadda Xamarwayne+Sawiro

0

Qarax xooggan ayaa ka dhacay goor dhawayd Degmadda Xamarwayne ee Gobalka Banaadir, iyadoona Qaraxa kadib la maqlayo Rasaas Xooggan oo aan la ogayn cidda ay u dhaxayso.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa inuu ka dhacay Agagaarka Hoteelka Naasahablood oo u dhow Xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir ee Godka Jilacoow, Waxaana Qaraxan uu gilgilay deegaanadda u dhow goobta uu qaruxu ka dhacay.

Warar Hordhac ah oo ay heshay HornAfrik ayaa sheegaya in Rag Hubaysan ay ku jiraan Dhismaha Hoteelka, kuwaasoo la aaminsan yahay inay yihiin Alshabaab,

Ma Cadda Khasaaraha ka dhashay Qaraxan, Waxaana la maqlayaa Gawaaridda Gurmadka Deg Degga ah oo Goobta sii galaya, iyadoona sidoo kale Ciidamadda Ammaanka ay gaareen Goobta ay wax ka dhaceen. Waxaa sidoo kale gubanaysa Maqaayadda Banooda iyo Kaalin Shidaal oo ka soo horjeeda Hoteelka,

Qaraxan ayaa imaanaya xilli la filayay inuu bari ka furmo Muqdisho Shirka Madaxwayne Goboleedyadda Xubanaha ka ah Dowladda Dhexe iyo Madaxwaynaha Federaalka ah.

Qaraxan galabta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya labo todobaad kadib qaraxii lagu halaagsamay ee Isgoyska Zoobr, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux.

Qaraxa Oo Meel Kore Laga Sawiray
Qaraxa Oo Meel Kore Laga Sawiray

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.