Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf oo si wayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho, iyo Wasiiro uga hortagay Garoonka.

0
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa  si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho. Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Siyaasiyiin, Xildhibaano, Wasiiro, iyo Ganacsato.
Dowladda ayaa u xilsaaratay soo dhawaynta Madaxwayne Xaaf xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Wasiirka Warfaafinta, C/raxmaan Yariisoow, iyo Xubno kale.

 

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Xaaf  ka qeyb qaatay Sanateer Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaano kale iyo Siyaasiyiin .

Waa Markii ugu h0raysay ee uu Muqdisho yimaado Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf, tan iyo markii uu ku eedeeyay Dowladda Dhexe inay burburinayso Maamulka uu Madaxda ka yahay, kadibna Xildhibaano ka tirsan Baarlamaan Goboleedka Galmudug ayaa ku shiray Hotel uu Cadaado ku leeyahay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Khayre, iyagoona sheegay inay xilka ka qaadeen Xaaf, taasoo uu diiday Madaxwayne Xaaf.

Imaanshaha Xaaf ee Muqdisho waxay meesha ka saaraysaa war ay horay Dowladdu u soo saartay oo ay ku sheegtay inay aqoonsatay xil ka qaadista Xaaf, iyadoona Warkaasi uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha,

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeyb geli doono shirka uu Madaxweynaha ku dhawaaqay inay Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo la filayo inuu maanta gelinka dambe bilowdo, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo inuu shirka furmo Berri oo Axad ah.

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay iyaguna ku soo biiraan Madax Goboleedyadda ku sugan Muqdisho ee uu casuumay Madaxwayne Farmaajo.

Xaaf Iyo Juxaa Oo Wada Fadhiya
Xaaf Iyo Juxaa Oo Wada Fadhiya
Xildhibaanaddii Ugu Badnaa Oo Soo Dhawaynaya Madaxwayne Xaaf
Xildhibaanaddii Ugu Badnaa Oo Soo Dhawaynaya Madaxwayne Xaaf
Xildhibaano Iyo Wasiiro Soo Dhawaynaya Xaaf
Xildhibaano Iyo Wasiiro Soo Dhawaynaya Xaaf

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.