Hoteel uu Leeyahay Wasiirka Amniga Somalia oo ay ka dhex Dagaalamayaan Alshabaab, iyo Qarax Labad oo dhacay.

0

Hoteelka Naasa Hablood 2 ee Muqdisho oo ku yaala meel u dhow Taliska Nabadsugidda Gobalka Banaadir ayaa waxaa lala beegsday Qarax Gaari loo adeegsaday, Kadibna waxaa gudaha u galay Maleeshiyaad Hubaysan oo Alshabaab ka tirsan.

Hoteelka ayaa waxaaa iska leh Wasiirka Amniga Gudaha, Ducaale, iyadoona uu ku yaalo Meel Istaraatiiji ah oo si wayn loo illaaliyo, Waxaana uu ku dhagan yahay Hoteelka Central oo horay loogu weeraray Raiisulwasaare Ku Xigeenkii Hore ee Somalia, Maxamad Cumar Carte oo ku dhaawacmay, halka Xildhibaano iyo Masuuliyiin kalana ay ku dhinteen.

Ciidanka Nabadsugidda ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen 15 Daqiiqo kadib markii uu Qaruxu dhacay, iyagoona ka sheegayay Isgaarsiinta Ciidanka in Hoteelka Gudihiisa ay rasaas ka socota, isla markaana aysan aqoon cidda ridaysa, balse ay u malaynayaan in Alshabaab ay ku dhex laynayaan Hoteelka Dadkii daganaa.

Qarax Labaad oo la aaminsan yahay inuu xiriir la leeyahay Qaraxa hore iyo Weerarka Hotelka Naasahablood ayaa isna ka dhacay goor dhow Agagaarka Taaladda Daljirka Dahsoon, gaar ahaan Jidka laga galo Xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir ee Godka Jilacoow oo ah Meel si wayn loo illaaliyo..

Illaa iyo hadda ma jiraan Ciidamo Dowladeed oo Hoteelka Gudaha u galay, Waxaana hadda oo waqtigii Qaraxa ay ka soo wareegtay 30 Daqiiqo ay Ciidanka Ammaanka oo jahwareersan dhooban yihiin  Banaanka Hoteel Naasahablood 2.

Ciidanka Gaashaan ee u tababaran la tacaalidda Weeraradda Noocan ah ayaan wali soo gaarin goobta, Waxaana loo aanaynaynaa wada shaqayn la’aan muddooyinkan ka dhex jiray NISA iyo Sirdoonka Maraykanka ee gacanta ku haya Ciidankaaasi, iyadoona wada shaqayn la’aantiisi uu Taliyaha NISA, Sanbaloolshe ku qiray Maqaal uu ku qoray Wargayska Newyork Times.

Qaraxan ayaa imaanaya maalmo kadib Qarixii Soobe oo ay ku dhinteen in ka badan 4oo Qof, Waxaana ay u muuqdaan Hay’adaha Ammaanka inay ku fashilmeen ka hortagga Qaraxyadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.