Ciidamadda Ammaanka oo Toogasho ku dilay Nin Dil ka gaystay Muqdisho+Sawir

0

Nin ku hubaysan Bastoolad ayaa lagu soo waramayaa inuu 2 Qof  ku dilay Deegaanka Deegaanka Suuq Bacaad ee Degmadda Yaaqshiid, Waxaana isna toogtay Ciidamadda Ammaanka Dowladda, siday HornAfrik u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan NISA.

Ninka Alshabaab-ka ah ayaa Dadka uu Dilay waxa uu ugu galay Qaybta Hoose ee Daarta Wiif, kadibna halkaas ayuu ku toogtay, iyadoona Labada Qof mid ka mida uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Badda Somalia. balse intii uusan baxsan ayaa waxaa isna Dilay Ciidamo ka tirsan NISA oo ka ag dhawaa goobta, Waxayna Ciidanku sheegeen inay dileen Gacan ku dhiiglihii wax dilay.

ka sakoow sheegashadda NISA ma jiraan illo madax banaan oo cadaynaya in Ninka la dilay uu ahaa Qofkii wax dilay.

 

Nin La Dilay
Ninka ay toogteen Ciidamada Ammaanku ee la sheegay inuu wax  Dilay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.