Al-Shabaab Oo Ka Mamnuucay Isticmaalka Taleefonada Deeganada Ay Ka Joogaan Mudug Iyo Galgaduud

0

Kooxda Alshabaab ayaa Amaro ku soo rogay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala Deegaano ka tirsan Goboladda Mudug iyo Galgaduud oo ay ka taliyaan, iyagoo sidoo kalana Shacabkana amaro kale dul dhigay.

Al-Shabaab ayaa Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta wax ay ku amreen in Taawarada  Shirkadaha isticmaalaan ay yihiin kuwo aad u dheer isla markaana ay gaabiyan kana dhigaan wax aan ka badneyn 10 ilaa 12 Mitir.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxa ay ku amreen Shacabka ku nool deegaanada Miyiga ah ee ku dhow dhow deegaanada ay Maamulan in aysan qaadan Karin taleefoonada Gacanta, in kastoo arrintaasi aysan faah faahin.

Qaar ka mid Shacabka deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in arintaani ay saameyn weyn ku yeelaneyso maadaama taleefoonada ay u isticmaalaan adeegyo kala duwan oo dhanka nolosha ah iyo xiriirka eheladooda

Shirkadaha ka howgalla Somalia ayaa inta badan u hogaansama Awaamiirta Kooxda Alshabaab, iyagoona siiya Lacago Baad ah, Waxaana arrintan loo sababeeyaa Dowladda oo aan wali awood u yeelan inay Damaanad qaado Ammaanka Muwaadiniinta iyo Hantidooda, taasina ay fursad u siinayso Kooxaha Argagixisadda ah inay amraan Shirkadaha Dalka ka howlgalla.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.