Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday dhaawacyada ku jira isbitaal ku yaal Ankara

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday dadka dhaawaca ah ee lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Ankara kuwaasoo ku dhaawacmay qarax ka dhacay 14kii bishan magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawaca ah oo la geeyay dalka Turkiga oo tiradoodu gaarayso 35 ruux oo saddex ka mid ah ay caruur yihiin ayaa xaaladooda ay haatan ka soo reyneysaa.

“Walaalaheena Turkiga waxa ay na garab istaageen markii  aan u baahnayn.”ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre xilli uu booqanayay isbitaalka Ankara Numune Hospital.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mid mid u dul tegey bukaanada dhaawaca ah waxana uu xaaladooda caafimaad uu wax ka weydiiyay dadkii la socday bukaanada iyo weliba dhakhaatiirta isbitaalka,bukaankii awoodi karay inuu hadlana waxa uu ka wareysanayay xaaladiisa.

Kahor  inta uusan booqan isbitaalka lagu daweynayay dadka dhaawacyada ah ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaare Binali Yildirim iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal,gobolka iyo guud ahaan caalamka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.