Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka Xaafado u dhow Ex koontorool Afgooye ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Guri halkaasi laga dhisayay ay tageen Ciidamo doonayay in ay lacag ka qaataan balse ay halkaasi tageen sidoo kale Ciidamo kale oo difaacayay sida uu Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Dadka deegaanka.

Qof Goobta  ku sugnaa xiliga uu dagaalka dhacayay ayaa sheegay in uu goobta ku geeriyooday Milkiilihii Guriga uu dhismaha ka socday halka laba qof oo kale ay  ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Goobta dhismaha uu ka socday oo aheyd halka loo yaqaano goobtii hore ee lagu iibin jiray Daawada ayna degan yihiin dad barakacayaal ah, taas oo mararka qaar keenta in dhulal la isku qabsado.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in haatan Goobtii lagu dagaalamay ay tahay mid caadi ah, isla markaana isu socodka dadka iyo Gaadiidka ay tahay mid caadi ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.