Faah faahin ka soo baxaya qaraxa xalay ka dhacay guri ku yaal Muqdisho

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay guri ku yaal degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa ahaa waxyaabo qarxa oo la diyaarinayay, waxaana ay si lama filaan ugu qaraxday ninkii diyaarinayay.

Guriga oo ku yaalla Xaafada Buurka Diikow Kaaraan ee ayaa waxaa la wareegay ciidamada ammaanka oo goobta tagay markii uu qaraxa dhacay kaddib.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay ninkii diyaarinayay, halka tiro kale oo qoyskiisa ah ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ninka qaraxa ku dhintay uu shalay ka yimid degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa qaraxa ku dhaawacmay xaaskiisa iyo wiilkiisa oo hoyga la degenaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ninka qaraxa ku dhintay ay uga shakisan yihiin inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab, hase ahaatee ma jirto faah faahin rasmi ah oo ka soo baxay baaritaankooda.

Dadka ku nool degmada Kaaraan ayaa hadal haya dhacdadan oo ah tii Labaad ee ka dhacda Degmada Kaaraan, iyadoona horay sidan oo kale nin ku diyaarinayay Qarax Gurigiisa uu Kaaraan ku qarxay walxihii uu diyaarinayay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.