Dowladda Somalia oo qorshaysanaysa inay badasho 11 Safiir, Akhriso Safiiradaasi iyo waqtiga la badalayo.

0

Dowladda Somalia ayaa qorshaynaysa inay badasho 11 Safiir oo Somalia wakiil uga ahaa Dalalka Caalamka qaarkood, kuwaasoo ugu dambayn la doonayo inay ku soo xaroodaan 4-ta Bisha soo socota Magaaladda Muqdisho.

Warqad rasmiya oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, kuna taariikhaysnayd 24-kii Bishan ayaa loogu qabtay inay ku soo xaroodaan Muddo 10 Cisho ah oo ku eg 4-ta Bisha soo socota, Waxaana lagu amray inay Xilalka ku wareejiyaan Ku Xigeenadooda.

Safiiradda la badalayo ayaa kala ah 8 Safiir oo loo yeeray kuwaasoo kala joogay Dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta, Jabuuti, Kuwait, Sudan, Qatar, Uganda  Zambia, iyo India oo aan loo yeerin, balse qorshaysan in la badalo. Waxaa sidoo kale banaan 2 Safaaradood oo kala ah Kenya oo Safiirkeedii loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta, Mudana uu banaan yahay xilkaasi, Ingiriiska oo dhawaan Safiirkeedii is casilay,

11-kan Safaaradood ayaa la filayaa in loo magacaabo Dad ku dhow dhow Madaxwaynaha, iyo Shaqsiyaad Xilal laga qaaday oo lagu qancinayo, Waxaana ka mida Safiiradda la filayo in la magacaabo Gen Maxamad Sh Xasan Xaamud oo dhawaan laga qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Cirfiid oo iska Casilay Xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga, iyo Shaqsiyaad kale.

U Yeeritaan Safiiro
U Yeeritaan Safiiro

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.