Xog: Sanbaloolshe iyo Sadaq Joon oo Lacag Ku Siiyay Ciidankii NISA Galmudug inay la baxsadaan Hubka iyo Gaadiidka.

0

Ciidankii Nabadsugidda Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inay caawa la baxsadeen Hubkii iyo Gaadiidkii Dagaalka ee ay ku sugayeen Ammaanka Cadaado.

HornAfrik ayaa ogaatay in Lacag dhan $20,000( Labaatan Kun Doolar) in looga diray Muqdisho Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka NISA Galmudug, kuwaasoo kala ah:-Cali Dheere, Zakariye, Sharif Dheere , Maxamad Shidane,  iyo Cabdi Xaashi. Waxaana Lacagtan loo marsiiyay Xawaaladaha ku yaala Cadaado, iyadoo Lacagta uu Muqdisho ka diray Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir, Saadaq Joon oo horay u xukumi jiray Ciidanka NISA ee Galmudug.

Ciidankan oo haystay 5 Gaari oo Cabdi Bille ah iyo Qoryo fudud ayaa lagu soo waramayaa inay gabi ahaanba baneeyeen Madaxtooyadii Galmudug iyo Baro kale oo Muhiim ahaa oo ay ka illaalin jireen Ammaanka Magaaladda Cadaado, iyagoona sidoo kale diiday inay wax amar ah ka qaataan Taliyaha NISA ee Galmudug, Cali Ilkacase, Waxayna isugu tageen Garaash ku yaala Duleedka Cadaado, halkaas oo ay difaac ka xirteen.

Mar uu isku dayay inuu la hadlo Taliye Cali Ilkacase waxay u sheegeen inay ka amar qaataan Saadaq Joon, isla markaana ay dilayaan isaga xittaa haddii uu mar dambe u yimaado.

Saraakiil ka tirsan NISA oo codsaday inaan Magacyadooda loo adeegsan Warbaahinta ayaa HornAfrik u sheegay in Lacagta la siiyay Ciidankan ay tahay Lacagtii loogu talagalay Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo Askari kasta Maalinkii la siiyo $5 (Shan Doolar0), taasoo aan la siin Muddo Bil ah, Waxayna Saraakiishan sheegeen in Lacagtii loogu talagalay Ammaanka Muqdisho in loo weeciyay in Amni Darro looga abuuro Cadaado.

Ammaanka Madaxtooyadda Galmudug ayaa hadda waxaa la wareegay Ciidanka Birmadka, kuwaasoo sidoo kale la wareegay Koontarooladda laga soo galo Magaaladda.

Saadaq Joon
Darawalkii Hore ee Sanbalooshe

Saadaq Joon oo Ciidanka ku soo biiray 3 Sanno ka hor, waxa uu ka billaabay Darajadda Gaashaanle Sare oo uu Madaxwaynihii hore Xasan Sh uga soo qaaday Sanbaloolshe oo uu darawal u ahaa markii uu Safiirka ka ahaa Ingiriiska. Waxaana intii uu ahaa Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir ay noqotay Magaaladda Muqdisho mid ammaankeedu faraha ka baxay.

 

 

Qalalaasaha ay Saadaq Joon iyo Sanbaloolshe ka abuurayaan Cadaado ayaa imaanayso xilli ay Maalmo ka harsantahay waqtigii loo qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo Shirka Wadatashiga ah ee Madaxwayne Farmaajo ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyadda, Waxaana la aaminsan yahay in Qalalaasahan uu yahay qorshe lagu doonayo in looga hor istaago Xaaf inuu Muqdisho u yimaado ka qayb galka Shirkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.