Toban Maalin Ka Dib Qarixii Zoobe Imaaraadka Oo Maanta Dhaawacyo Ka Qaaday Muqdisho

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dibadiisa u qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda ayaa loo qaaday dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya, iyadoo lacagta iyo baxnaanintooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.