Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne Oo Maalintii Labaad Xiran

0

Waxaa Maalintii labaad Xiran Garoonka Diyaaradaha ugu weyn Gobolka Hiiraan ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas.

Xeritaanka Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ayaa loo sababeynayaa in ay biyo farabadan fariisteen Garoonka, ka dib markii Magaalada Baladweyne uu ka Da’ay Roobkii Guga sida ay  Xaqiijiyeen  Bulshada ku nool Baladweyne.

Sidoo kale waxaa la sheegay in  Garoonka uu u baahan yahay dayactir lagu sameeyo iyo in loo furo wadooyinka soo gala ee ay xireen Biyaha Roobka.

Bulshada Baladweyne ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in dhamaan Albaabada la iskugu dhuftay Xafiisyada Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ay ku leeyihiin, maadaama Garoonka uusan Shaqeyneynin.

Ugu dambeyn waxaa la sheegay in qofkii raba Baladweyne uu Diyaarada uga soo degayo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadibna uu halkaasi ka soo raacayo Gaari si uu u yimaado Baladwayne.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.