Dad shacab ah oo ku dhintay dagaal Al-shabab iyo AMISOM ku dhexmaray Lafoole

0

Ugu yaraan 2 Qof shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, sidoo kalena ay dhaawacmeen labo kale kadib markii saaka  Ciidamo ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen Kolonyo AMISOM ah oo marayay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Lafoole, halkaas oo Ciidamada AMISOM oo maraya ay la kulmeen weerar jid gal ah,waxaana ay is dhaafsadeed Rasaas daqiiqado socotay.

Xilli isku hor imaadku ka dhacay Wadada waxaa isticmaalayay Gaadiidka Dadwaynaha ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, Waxaana uu khasaare soo gaaray Shacabkii wadadaasi isticmaalayay.

2 Qof ee la xaqiijiyay Dhimashadooda mid ka mida waxa uu ahaa Arday  lagu magacaabaa  Jacfar Cali Maxamed oo ka mid ahaa Ardayda  Dugsiga Al-Furqaan oo ku yaalla Xaafadda Jaamacadda Beeraha,waxaana uu ka mid ahaa Rakaabka saarnaa Gaariga shacabka ah ee dhexda ka galay dagaalkaas. halka Qofka Labaadna uu ahaa Nin waardiye ka ahaa MCH ku yaala Lafoole. Wararka qaar ayaa intaas ka badinaya Khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawaca.

Dhaawaca dadka ay waxyeellada gaartay ayaa la sheegayaa in loo soo celiyay Muqdisho oo hadda lagu dawaynayo, Waxaana goobtii lagu dagaalamay gaaray Ciidamadda Dowladda Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.