Aqoonyahanad Da’Yar oo Dareen Suugaaneed ku cabirtay Musiibaddii Soobe.

0

Tixdan Waxaa tirisay Gabar Aqoonyahanad Soomaaliyeed ah oo aan horay u ahayn Suugan yahay, balse wixii ka dhacay Soobe ay ku dhalisay inay Dareenkeeda Suugaan ku cabirto, iyadoona Suugaantu ay tahay Isgaarsiinta ugu wanaagsan ee ay Soomaalidu wax isugu gudbiyaan.

Wuxuuna ku billowday Gabaygii

  • Gun ma nihinoo, geerida waan naqaan
  • Geesiyaal baan nahoo, guulaan rumeesanahy
  • Gayigeenan jecelnahoo, gobaniman doneynaa
  • Gafka maqaadanoo, waan ka garanaa
  • Gardarana mayeelnoo, waan ka gubanaa
  • Geyshkeena wacanna, garabkoodan nahay
  • Gobalkeena Banaadirna, garabkiisan nahayoo,
  • Gafka umaan ogalin
  • Gantaalaha qarxiyo, gumaadka lagu haayana,
  • Gabigeenba diidnay
  • Gaba gabadii weeyee, guurmada shacabyahow
  • Geeri iyo nololba, gobanimo u dirira
  • Gacmaha is qabsadoo, gacal isku ahaada
  • Guule waheshada, guusha aad gaartaane.

Qeybtii 2aad ee qaraxii Zoobe iyo waxay yihiin nimankii ficikaa sameeyay:

  • Qaraxii shalay dhiciyo
  • Qiyaamihii nagu habsaday
  • Quluubteena kamuu go’in
  • Qandaraas qaate baasoo
  • Qaswade balaayoo
  • Qarankeenii duminayoo
  • Qaadirna ka baqeenbaa
  • Qarqiyay ummadeenii
  • Qaraab doone balaayoo
  • Ku qaraabanaayo islaamkaa
  • Qudhoodii jarayoo
  • Quusiyoo bi’iyay rajadoodii
  • Qaadiroow Allahayoow
  • Qoomeynu nahay ku adeecsanoo
  • Qadartaada yaqaanoo
  • Quusan meyno anaguyee
  • Qarankeena adkeeyoo
  • Quluubteena mideeyoo
  • Qaswadahana naga qabo.

Qeybtii 3aad qaraxii Zoobe 14-Oct-2017 waxuuna ka hadlayaa Shabaabka caadeystay inay banaystaan dhiigeena. :

  • Damiir laawaha baas
  • Dulligoo dayuuskoo
  • Dantiisa aqoonoo
  • Dantii Soomaali lumiyoo
  • Dugaagana ka liitoo
  • Damaciisu badanyoo
  • Dib udhacana doonayoo
  • Dabar goyntiisu badantoo
  • Dayaca dadkiisiyo
  • Duruuftooda ka faa’ideysta
  • Dariiqyada Miina ugu aaso
  • Daarahoodana duminaaya
  • Daqligooda bi’inayoo
  • Danaha shisheeyaha iyo
  • Magrigooga fulinaayo
  • Deedna isla qumanoo
  • Diinbaan wadaayoo
  • Daaquutbaa meesha yaalana
  • Ku andacoonayoo
  • Dadkii Illahayna
  • Ku tilmaamay Murtadoo
  • Aasay sharaftoodii macaaneyd
  • Duf kubax dheh darajana ha arkin
  • Daa’im abidkaayee.

Dhamaad W/Q: H.C.H

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.