Akhriso Cadaymo Wasiirka Maaliyadda oo ka Isticmaalay In Ka Badan Nus Milyan Dollar Qasnadda Dowladda.

0

Dukuminti ay heshay HornAfrik ayaa muujinaya in Lacag ka badan Nus Milyan Doolar ay Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Bayle iyo Xoghaynadiisa kala baxeen Qasnadda Dowladda 4-tii Bilood ee la soo dhaafay. taasoo ka badan Mushaaraadka ay qaataan Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo dhan.

Liban Obsiye
Liban Obsiye

Shaxda Lacagta ku baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa sida ku cad Dukumintiga waxa loo isticmaalay Kiradda Qolal Hoteel Jaziira ay ka dagan yahay Wasiirka iyo Xoghaynadiisa, Hotel Sayid oo ay Wasiirka Dad u dagan yihiin, Sahay Safar, Kiro Guri uu Wasiirku dagan yahay, Qalabayn aan la cadayn halka la qalabeeyay, Gunno, Lacag Magac loo bixiyo la waayay oo lagu soo koobay Kala duwan, Guri La iibiyay oo aan la cadayn cidda loo iibiyay, Caafimaad, Raashin, Qalab Guri, Iib Gawaari aan la cadayn cidda loo iibiyay, Tickets iyo waxyaabo kale, Waxaana Lacagahan dhamaantood ku kala calaamadaysan inay qaadeen Wasiirka Bayle, Liibaan Obsiiye, iyo Cabdullaahi. Iyadoona isu gayn Lacagta lala baxay ay noqotay:- 532,704, taasoo ka dhigan in Bil kasta ay jeebabka 3 Shaqsi ku dhacdo 133.176

 

Lacagahan ayaa ka badan Mushaaraadka Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda mudd dhan 5 Billood, Waxayna Wasiirka iyo Gacan yarayaashiisu oo ah 2 Qofood qarash gareeyeeen 4 Billood Miisaaniyad ka badan Shaqaalaha Wasaaradda muddo 5 Billood ah.

Halkan ka Akhriso Dukumintiga Lacagaha lala baxay cadaynaya iyo waxyaabaha loo isticmaalay.

Qarashaad Uu Isticmaalay Wasiirka Maaliyadda
Qarashaad Uu Isticmaalay Wasiirka Maaliyadda

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.