Akhriso AMISOM oo Ardaydii ugu badnayn ku dishay Lafoole.

0

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qarax ku bilaawday oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.

Weerarka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay wadeen howgallo, balse ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kaas oo geestay khasaaro kala duwan.

Dadka deeaganka qarkood oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay dileen 17 Arday iyo Macalinkooda xili Ardaydaas laga soo daayay mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla deegaanka Lafoole.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira Wariye ka tirsanaa Idaacadda Radio Dayax oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu Magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad, sidoo kalana ahaa Arday wax ka barta Iskuul ku yaala Jaamacadda Beeraha, Waxaa sidoo kale Dadka la dilay ku jira Nin Waardiye ka ahaa MCH ku yaala Lafoole.

Xaalada Goobtii weerarka iyo dagaalka ka dhacay ayaa degan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hadda Gacanta ku haya.

Ma Jiro Masuul Dowladeed oo ka hadlay Xasuuqa ay Alshabaab ka gaysteen Lafoole.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.