Faah faahin ka soo baxaya qarax ka dhacay meel u dhow Saldhig Boolis ku yaal Boosaaso

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax loo maleynayo inuu fuliyay nin naftii halige ah oo ka dhacay meel u dhow Saldhigga bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan aanu geysan wax khasaare ah, marka laga reebo inuu ku dhintay ninkii fuliyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Puntland ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dambeeyay nin waday gaari gacan.

Qaraxa kaddib ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso

Waxaa socota baaritaano la xiriira ninka qaraxa fuliyay, waxaana la xiray goobtii uu qaraxa ka dhacay, sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana bilo ka hor magaaladaas ka dhacay qaraxii ugu horeeyay ee Kooxda  Daacish ka fulisay Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.