Faah Faahin:-Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

0

Fiidnimadii xalay ayaa waxaa dagaal culus uu degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada oo howlgal Wada ay weerar bambaanoyin ku bilaawday ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Qof ka mid ah dadka degmada Afgooye ayaa sheegay in dagaalkaas uu socday mudo kooban, isla markaana ay ku dhinteen laba ruux oo uu mid ka mid ah yahay Askari.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay mudo kooban la wareegeen Koontoroolka Bundayareey saacado kadibna ay isaga baxeen.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Afgooye iyo taliska Milateriga intaba kama hadlin dagaalkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.