Raiisulwasaare Khayre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadda oo ku wada sugan Jowhar

0

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Madaxwaynayaasha Dowlad Goboleedyadda ayaa ku wada sugan Jowhar, iyadoo uusan wanaagsanayn Xiriirkoodu.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Juxaa oo ka hadlay Madasha ayaa Madaxwaynayaasha uu ku bilaabay Salaanta ku soo daray Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf oo Markii Xildhibaano ku shiray Hotel ay sheegeen inay Xilka ka qaadeen ay soo dhawaysay Wasaaradiisu, Waxaana ay taasi muujinaysaa inuusan Wasiir Juxaa aqoonsanayn Warqadda ka soo baxday Wasaaradiisa ee uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiir Juxaa waxa uu sidoo kale ka cadeeyay meesha in Madaxwayne Goboleedyadda ay doorteen Shacabkooda, cid aan ahayn iyagana aysan xilka ka qaadi karin, taasoo u muuqatay Fariin uu  ku muujinayay Wasiirku inuusan ku qanacsanayn hanaanka loo marayo in xukunka laga tuuro Madaxwayne Goboleedyadda.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf oo ka mid ahaa Madax Goboleedyadii ka khudbaysay Madasha lagu caleemo saarayay Madaxwaynaha Hirshabelle ayaa markii lagu soo dhaweeyay Makaroofanka waxaa is qabsaday Madasha Sacab iyo Sawaxan lagu soo soo dhawaynayay Xaaf, taasoo muujisay Miisaanka Siyaasadeed ee Xaaf oo ay loodin waysay Dowladda Dhexe, iyadoo waliba Raiisul Wasaare Khayre markii uu arkay sida Jawigu isku badalay uu dhiniciisa ka sacbiyay.

Ma Cadda in Madasha kulmisay Khayre iyo Madaxwayne Goboleedyadda ay fursad u noqon karto inay isku soo dhawaadaan, kana wada hadlaan waxyaabihii ay isku hayeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.