Ciidamo Uu Watay Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Iyo Taliyaha Nisa Ee Degmadaas Oo Dagaalamay

0

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay iskhilaafeen Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo taliyaha Nabadsugida degmadaas taas oo keentay in ay xoogaa dagaalamaan.

Dagaalka ka hor ayaa la sheegay in gudoomiyaha degmada uu amray in taliyaha la xiro, taas oo keentay in taliyuhu uu dalbado ciidamo Daacad u ah, kadibna halkaasi ay ka bilaabato israsaaseyn sida uu  sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.

Israsaaseyntaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxana ku geeriyooday 1 Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugida oo diidanaa xariga taliyaha.

Sidoo kale Goobjoogaha ayaa sheegay in ay Ciidamad nabad-Sugida dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka degmada.

Dagaalka ayaa hadda istaagay, Waxaana goobihii lagu dagaalamay la keenay Ciidamo Boolis ah. iyadoo Ciidamadii dagaalamayna ay ku kala laabteen Fariisamadoodii.

Ma jirto Tallaabo laga qaaday Masuuliyiinta Dagaalamay ee isku Ciidan dalbaday, Waxaana ay hadda wada joogaan Degmadda Yaaqshiid, iyadoo ay dhici karto in daqiiqad kasta ay dib u dagaalamaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.