Xog: Villa Somalia iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadda oo Isku Haya Ka qaybgalka Xaaf ee Shirka Wadatashiga ah.

0

Madaxwaynayaasha Dowlad Goboleedyadda Somalia ee lagu casuumay Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho ayaa ku adkaysanaya inaysan Shirkaasi ka qayb galan haddii aan lagu casuumin Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf.

HornAfrik ayaa ogaatay in Villa Soomaaliya ay ka caga jiideyso inuu Xaaf ku  matalo Galmudug fadhiga isagoo madaxweyne ah,  iyadoo taa badalkeedana Madaxtooyo ku adkaysanayso inuusan Xaaf ka soo muuqan Shirkaasi inta laga xalinayo Khilaafka ka dhex jira Maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u yeeray Madaweynayasha Maamul goboleedyada si looga tashado xaaladaha uu dalku galay, waxaase hadda muuqata in kulankaas ay mushkiladda Galmudug saameyneyso oo uu baaqan karo hadii labada dhinac go’aanadooda ku adkeystaan.

Wadahadal Taleefoonka ku yeesheen Madaxwayne Goboleedyadda ayeey iskula garteen in Shirkaasi aysan ka qayb galin haddii Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf aan lagu casuumin. Waxayna isku raaceen inay qaadacaan Shirka, haddii Dowladdu ku adkaysato Go’aankeeda ah inuu Xaaf ka baaqsado Shirka.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf ayaa waxaa muddooyinkan hareeyay Maamulkiisa Buuq Siyasaadeed uu ku eedeeyay inay Dowladda Dhexe ee Muqdisho soo abaabushay, Waxaana ay Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa oo Hotel ku shiray sheegeen inay Xilka ka qaadeen, Balse waxa uu kadib ka soo muuqday Shirkii Kismaayo ee Dowlad Goboleedyadda, taasoo Saamayntiisa Siysaasadeed kor u qaaday.

Villa Somalia ayaa isku dayaysa inuusan Xaaf ka soo dhex muuqan Shirkaasi, iyadoo warar ay heshay HornAfrik ay sheegayaan in xittaa xiriir lala sameeyay Xaaf, isla markaana la isku dayay in lagu qanciyo inuusan imaan Shirkaasi inta laga xalinayo Khilaafka Galmudug, balse Xaaf waxa uu u sheegay inuu yahay Madaxwaynaha Galmudug, xaqna u leeyahay inuu ku matalo Maamulkiisa Madasha looga tashanayo Mustaqbalka Soomaaliya, isagoona Khilaafka Gudaha Maamulkiisa sheegay inay tahay wax iyaga u gaar ah oo ay xalisan doonaan.

Shirka uu Madaxwayne Farmaajo ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyadda Somalia ayaa u muuqda inay soo wajahayd Caqabad culus, Waxaana haddii ay Villa Somalia ku adkaysato Go’aankeeda ah inuusan Xaaf ka soo qayb galin Shirkaasi ay taasi keeni karto inuusan qabsoomin Shirku.

Muranka Siyaasadeed ee Galmudug iyo Doorka Dowladda Somalia oo la tuhusan yahay inay qayb ka tahay waxay kala fogaysay Madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe, taasoo keentay Aakhirkii in Dowlad Goboleedyaddu ay iskood shir u qabsadaan, samaystaana Gole ay ku midaysan yihiin.

Dowlad Goboleedyadda Somalia ayaa intooda badan taageeray Isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka ee go’doomiyay Qatar, taasoo ka caraysiisay Dowladda Dhexe oo qaaday Talaabooyin ay xilka kaga tuurayso Madaxda Goboladda, Waxayna ku guulaysteen inay badalaan Madaxwaynihii Hirshabelle, Cali Cosoble, balse waxay  ku guulaysan waayeen inay badalaan Madaxwayne Xaaf-ka Galmudug, iyadoo Xaaf kadib uu qorshuhu ahaa in Xukunka laga tuuro Shariif Xasan-ka Koonfur Galbeed, Laakiin waxay Dowlad Goboleedyaddu awoodoodu isugu geeyeen inay fashilayaan Qorshaha lagu afgambinayo Galmudug si aan loogu soo gudbin iyaga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.