Xog: Axmad Madoobe Oo Safar Qarsoodi ah ku Jooga Imaaraadka, Muxuu la xiriiraa Safarkiisa,?

0

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa gaaray Wadanka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ku martiqaaday Dowladda Imaaraadka.

Siday ogaatay HornAfrik waxa uu Axmad Madoobe hadda dagan yahay Hotel-ka Holiday ee  Imaaraadka, Waxaana uu kulumo kula leeyahay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka, isagoona noqonaya Hogaamiye Goboleedkii ugu dambeeyay ee ka soo jeesta Safka Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Axmad Madoobe oo aad loo qarinayo Socdaalkiisa Imaaraadka Carabta ayaa waxay Illo Xog Ogaal xaqiijiyeen in la siiyay Adduun dhan 10 Milyan oo Dollar, taasoo lagu macneeyay inay tahay Shirkii uu Kismaayo ugu qabtay Madaxda Dowlad Goboleedyadda Somalia, Waxaana lagu qanciyay Axmad inuu dhiniciisa ku biiro Hogaamiyayaasha Culayska ku saaraya Muqdisho inay xiriirka u jarto Dooxa-Qatar.

Sidoo kale Axmad Madoobe waxaa loo xilsaaray inuu ka dhaadhiciyo Madaxwaynaha Hirshabelle inuu safkooda ku soo biiro, laguna martiqaado Imaaraadka, si ay meel uga soo wada jeestaan Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya, isla markaana ay Muqdisho noqoto mid gooni u taagan oo aan wada shaqayn la lahayn Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isku dayaya inuu dajiyo Xiisadda Dowlad Goboleedyadda, isagoo ku martiqaaday inay shir wadatashi ah u yimaadaan Muqdisho, Balse Madaxda Dowlad Goboleedyadda ayaa ku adkaysanaya in haddii ay Shirkaasi ka qayb galayaan inuu soo hor kaco Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf oo Dowladdu ay u ololaynayso in Xilka laga tuuro, Iyadoona Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa oo Hotel ku shiray ay sheegeen inay Xilka ka qaadeen, taasoo markii dambana ay aqoonsatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Natiijaddii ka soo baxday Kulankaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.