Shariif Xasan oo Furay Kalfadhiga Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Aaway Mooshinkii Ka dhanka ahaa,?

0

Madaxweynah Dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Furey Kal Fadhigii Afaraad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Waxaana kulanka Goobjoog ahaa  50, xildhibaan.

Ugu Horeen halkaasi waxaa Khudbad Dhinacyo badan Taabaneysa ka Jeediyey Madaxweynah Dowlada Koonfur galbeed Mudane Shariif xasan Sheekh Adan –

“Waxana UtacasiyeyneynaaDhamaan Shacabkii Soomaaliyeed Lagu xasuuqey Qarixii Soobe waxan sidoo kale  xildhibaanada Kula dardaarmayaa In ay mar waliba Ka shaqeeyaan nabada Nabada waayo Nabad ayaa Naas lanuuga leh ayuu yiri Madaxweyne Shariif”

Waxana Xildhibaanada Sidoo kale uu ka codsadey in ay ka shaqeeyaan Qorshe Degmo kasta oo ka tirsan Shabeelaha Hoose loogu samayn lahaa 300 Boqol oo Ciidan ah, kuwaasoo suga Ammaanka Degmooyinka, si meesha looga saaro Alshabaab oo Gobalkaasi saamayn ku leh.

Sidoo kale Madaxwayne Shariif Xasan waxa uu dalbaday in la kordhiyo Waqtiga Joogitaanka Ciidamadda AMISOM ee Deegaanadda Koonfur Galbeed, si looga adkaado Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Somalia, Abdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa isna sheegay in Kalfadhiga 4-aad, Fadhigiisa 2-aad uu furan yahay, Wuxuuna sheegay in Ajandaha looga hadli doono uu yahay mid ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kaasi oo ahaa Anshaxa Dowladnimadda.

Shariif Xasan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku socday Buuq Siyaasadeed ay wadeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Qaybaha Bulshadda, Waxaana la aaminsan yahay in Buuqa ay gadaal ka riixayso Dowladda Dhexe ee Somalia, iyadoona qaar ka mida Xildhibaanadda Koonfur Galbeed oo lagu shiriyay Muqdisho lagu wargaliyay inay abaabulaan Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan.

Haddaba xaguu ku dambeeyay Mooshinkaasi,?

Xildhibaano gaaraya illaa iyo 10 ayaa Muqdisho ka sheegay in marka uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka inay gayn doonaan Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan oo ay ku eedeeyeen Waxqabad La’aan iyo Ku Tagri Fal Awoodeed, Waxayna u muuqdeen kuwo ku dhiiran hadafkooda, balse markii ay tageen Baydhabo ayaa waxaa qaabilay Shariif Xasan Sh Aadan, iyadoo Kulankaasi kadibna uu isbadalay Mowqifka Xildhibaanaddii ku kacsanaa Shariif Xasan.

Yaa ka dambeeyay Abaabulka ka dhanka ah Shariif Xasan,?

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa olole xooggan ugu jira in meesha laga saaro Shariif Xasan, laguna badalo Fargeeti oo horay u soo ahaa Wasiirka Maaliyadda Somalia, Waxaana Shariif Xasan ay u arkaan Siyaasiyiinta ka soo horjeeda inuu yahay Nin aan u oggolayn inay saamayn ku yeeshaan Siyaasadda, taas badalkeedana uu doonayo oo kaliya in isaga looga dambeeyo wax walba.

Madaxda Dowladda oo ka wel welsan Mooshin ka dhan ah in la geeyo Baarlamaanka ayaa ridista Shariif Xasan taageeray, iyagoo uga badashay Jawaari inuu ka xigsado Buuq uga yimaada Baarlamaanka. Waxayna u arkaan Madaxda sidoo kale Fursad in meesha laga saaro Saamaynta Siyaasadda Somalia ee Shariif Xasan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.