Madaxda Dowlad Goboleedyadda Oo Muqdisho Lagu Casuumay, Maxaa laga Hadlayaa,?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah.

Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

Dowlad Goboleedyadda Somalia ayaa dhawaan samaystay Gole ay ugu madac dareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda Somalia, Iyagoona Gudoomiye iyo Gudoomiye Xigeen u doortay Madaxwaynayaasha Puntland iyo Hirshabelle, Waxayna ku eedeeyeen Dowladda Dhexe ee Somalia inay majaxaabinayso Dowlad Goboleedyadda Xubnaha ka ah, iyagoona joojiyay Wadashaqayntii ay la lahaayeen Dowladda Dhexe ee Somalia.

Lama ogga inay aqbali doonaan Dowlad Goboleedyadda Casuumaddan iyo in kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.