Maxaa Hakiyey Qorshihii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Iclaamin Lahaa Xaallad Dagaal ?

0

Boola-xoofteynta Siyaasadeed, Borobogaandada Dagaalka , Cambaaraynta iyo Go’aanka Laab-la’ kaca waxay gebigooda yihiin Hal-haysyadda Siyaasiyiinta ay joogtada ka dhigteen, balse uu biyo-dhacoodu noqdo mid aan miro-dhal lahayn.

Waana hubaal inay Madaxda dalkeenna si laab-la-kac xambaarsan u iclaamiyaan Go’aan inta badan dhicis noqda ama aan loo meel-marin sida uu Go’aanku ahaa.

Xeeldheerayaasha waxay maalmahan aad isku weydiinayeen Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ka horjeedin lahaa Labada Gole ee Barlamaanka Qaranka.

Waxaana falaanqeyn iyo isweydiin laga keenay hadalkii hordhaca ee uu Ra’isul-wasaare Kheyre ku sheegay inuu Madaxweynuhu kala hadli doono Xildhibaanadda Labada Gole go’aankiisa Dastuuriga ee ku aadan inuu iclaamiyo inuu dalku galay Xaallad Dagaal.

Waa markii 2-aad ee uu Madaxweynuhu iclaamiyo inuu dalku ku jiro xaallad Dagaal, balse, waxaa iska yar Tisqaadka Go’aankaasi.

Mana kala cadda waxa dabrayo Taabagelinta Go’aanadaasi, waxaana suurto-gal inay jiraan caqabado kale oo Indhaha Bulshadda ka qarsoon.

Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inaysan xaallad sahlan ahayn inuu dalku galo xilli Dagaal, waxayna xuseen inay Xaallad Dagaal mudan tahay in la iclaamiyo marka uu dalku caddow ku soo duulo ama la qabsado Xuduudaha dalka.

Laakiinse, haatan xaalladu waxay u muuqataa in Go’aanka noocaasi yahay mid Laab-la-kac ku qotoma.

Haddaba, markaynu lafagur ku samayno sababaha uu Madaxweynaha u hakiyey Khudbadii uu ka jeedin lahaa Madasha Labada Gole ee BFS, waxaa lagu micneyn karaa inay jiraan caqabado Farsamo, culaysyo siyaasadeed, Dhaqaale, Sahay  iyo Talooyin kale oo lagu hakiyey Go’aankiisa.

Xildhibaanadda iyo Beelaha deggan Goballadda Labada Shabeelle ayaa la sheegay inay qeylo-dhaan ka keeneen saamaynta uu dadka Deegaanka ku yeelan karo haddii la iclaamiyo Xaallad Dagaal.

Xog kale ayaa sheegayso in Khudbadda Madaxweynaha dib loogu dhigay si aan xasaasiyad loogu qaadin Taariikhaha Taxanaha Siyaasadda ee isku soo beegmay ee maanta oo kale (21-ka October) oo ku beegan 48-guuradii ka soo wareegtay Afgembigii Dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Qoddob kale ayaa sheegayo inay jiraan Sama-jeclayaal ku taliyey inaan Dagaal la iclaaminin, maadaama aan weli laga bogsanin Qarixii ka dhacay Isgoyska Zoope oo ay Boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen.

Qoddobka kale ee lama dhaafaanka ayaa ah Talada  Dowladaha Caalamka ee DFS taageera, kuwaasi oo dareensan inaan loo baahnayn lagu dhawaaqo Xaallad Dagaal, balse loo baahan yahay in la dardar geliyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab. Laakiinse, ilo ku hdow DFS ayaa su’aal ka keenay horumarka laga gaaray 10-kii sanno ee ay AMISOM ku jireen Dagaalkaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Isku-soo-bixii Garoonka K/Cagta ee Ex-Conis Stadium ahayd mid ka turjumaysay Xaalladii Taagnayd iyo Qiiro uu ka qaaday Shucuurta Kumanaankii qof ee dhigayey Dibadbaxyadii Baroor-diiqda.

Khubarada ayaa rumeysan in Khudbadda Madaxweynaha ahayd mid Waqti-keen ahayd oo aysan ahayn mid laga dheehan karay inay DFS diyaarisay Istaraatijiyada cusub ee Dagaalka Alshabaab.

Markaynu sii lafa-gurmo, Sababaha dib loogu dhigay Khudbadda Madaxweynaha ayaan ka marnayn sida ay xubno ka tirsan Xildhibaanadda Labada Gole ee BFS uga biyo diidan yihiin in dalka la geliyo Xaallad Degdeg ah. Kuna doodaan inaysan  Ummadda Soomaaliyeed xilligan xamili Karin Xaallad Dagaal.

Si kastaba ha ahaatee, maxaa lagu fasiri karaa hakadka ku yimid Qorshihii uu Madaxweyne Farmaajo ku iclaamin lahaa Xaallad Dagaal ?

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.