Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo AMISOM Kala Hadlay La Dagaalanka Al-Shabaab

0

Cabduweli Jaamac Gorod taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo uu ugu horeeyay Taliyaha ciidamada AMISOM Gen, Cusmaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay u bilaabi laahayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo Saacado ka hor ay ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya howlgalkooda ay bilaabi doonan sidoo kalena la bilaabi doono dib-udhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

“Anaga iyo AMISOM waan isku afgaranay in siwadajir ah loola dagaalamo Al-Shabaab isla markaana degmooyinka ay weli kaga harsan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya laga saro taasina ay ka Go’an tahay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayuu yiri taliye Gorod”

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen, Cusmaan Nuur Subagle ayaa isna dhankiisa sheegay in AMSIOM ay diyaar u tahay la Shaqeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobolada ay ka joogaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn Saraakiishii halkaasi ku kulantay ayaa markale ku balamay in ay galaan mid la mid ah kulankan kaas oo ay kaga arrinsan doonaan sii xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.