Haweeney Bastoolad ku hubeysan oo xalay Muqdisho ku dishay Oday caan ah

0

Haweeney ku hubeysan bastoolad ayaa xalay ku dishay degmada Warta Nabada (Ex Wardhiigley) oday caan ka ah Xaafada Xamar Bile, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen warbaahinta Maxaliga ah.

Falka dilka ayaa ka dhacay goob lagu shaaho, waxaana Haweeneyda ay rasaas la beegsatay nin magaciisa lagu soo koobay Xasan Qoor oo ka mid ahaa Odayaasha deegaanka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeneydan ay xirneyd dharka ciidamada booliska, kadibna ay baxsatay markii dilka uu dhacay.

Lama oga sababaha ka dambeeya dilkan, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa hadal hayay dhacdadan oo ah tii u horeysay nooceeda ee ka dhacda Muqdisho.

Dilalka lagu fuliyo bastoolada ayaa ku cusbeyn magaalada Muqdisho, balse in haweeney ay qof bastoolad ku disho ayaa ah arrin ugub ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.