Farmaajo Oo Aan Barri hortagayn Baarlamaanka Somalia, Akhriso Sababta.

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday Kulan uu horay u codsaday oo la qorsheeyay inuu bari ku hortago Golayaasha Baarlamaanka Somalia, kaasoo uu ku dalban lahaa in Awoodo dheeriyo la siiyo si uu ula dagaalamo Alshabaab.

HornAfrik ayaa ogaatay in lagula taliyay Farmaajo inuu baajiyo Kulankaasi maadaama uu ku soo aaday 21 October oo ahayd markii uu Madaxwaynihii hore, Maxamad Siyaad Barre kula wareegay Dalka inqilaab Milatari, taasoo loo fasirtay in asna uu doonayo inuu Awood Ciidan adeegsado, isagoo ka faaiidaysanaya Caraddii Shacabka ee ka dhalatay Qarixii KM5.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna ku soo qoray Bartiisa Facebook in Madaxwayne Farmaajo uu ka laabtay Dalabkiisii ahaa inuu hor taggo Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia, taasoo uu uga mahad celiyay Madaxwaynaha.

Mahad Salaad

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.