Al-Shabaab oo sheegatay dilkii Xildhibaan ka tirsanaa Jubbaland

0

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo.

War laga sii daayay Idaacada afka Shabaab ku hadla ayaa laga sheegay in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen dilkii xalay loo geystay Xildhibaan C/wali Tima-Faras.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dilka oo ka dhacay xaafada Calanley ay xoogagooda u suura gashay inay baxsadaan.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen qoryaha Ak47, waxaana warar soo baxaya sheegayaan inay labisnaayeen dharka ciidamada.

Ciidamada ammaanka Kismaayo ayaa saacadihii la soo dhaafay u soo qabtay dilkaas dad dhowr ah oo looga shakisan yahay inay dilka ka dambeeyeen.

Sidoo kale waddooyinka iyo xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo daadiyay ciidamo fara badan oo sugaya amniga.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid wanaagsan, waxaana dilalka iyo falalka amni darada ee ka dhaca ay ahaayeen kuwo aad u kooban, waxaana lagu tiriyaa meelaha amnigooda uu adag yahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.