Sawirro:-Madaxda Ugu Sareysa Dalka Oo Ka Qeyb Galay Banaanbax Ka Dhacay Muqdisho

0

Waxaa galabta dibad-bax lagu qabtay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeyb-galeen madaxda dalka sida duqa magaalada Muqdisho, guddoomiyaha aqalka sare, ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah.

Guddoomiyaha aqalka sare oo goobta ka hadlaya ayaa soo jeediyay in laga gudbo khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada si midnimo qaran loo helo.

Ra’isul wasaaraha Cali Kheyre ayaa dhankiisa ballan-qaaday in uu dagaal la geli-doono xarakada Al-shabaab, uu sheegay in ay ka dambeysay qaraxii ka dhacay qaraxii Zoobe 14/10/2017.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  sheegay in shacabka quluubtooda ilaahey isku soo dhaweeyay si  cadawga u arkaan, dowladda la difaaco, waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka gargaarka fidiyay.

“Octobet 14, waxaa ay Ka tarjumeysaa in ay wixii hore aan laga jawaabin, Al-shabaab waxaa ay yiraahdeen intii hore ka badan in aan dilno weeye, Hotelo weeraraan sida Shaamow, waxaa ay qorsheysteen in shacabka aan mutacalimiin lahaanin, Harkaha iyo Saamaha oo ardey laayeen, waxaa ay rabaan in intan la eg laayaan..haddii aan ka jawaabin, dhibaatada waa sii badaneysa ilaa hilbaheena dhulka laga gurto” madaxweynaha ayaa sidaasi yiri.

“Annagoo ka jawaabeyna October, waxaan ku baaqaa, in shacabka bad-baadino, oo aan la dagaalno Shabaab, difaaca hooyooyinkiina, dariskiina iyo dalkiina, difaaca dalka waa muqadas, anigaa u horeeya oo safka hore galaaya”.

Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeeday qarixii dadka badan ee Boqolaalka gaarayay ee 14,kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee Gudaha Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dadka ayaa ku qeylo dhaaminaya Alshabaab dooni mayno iyo hadalo kale oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin falkii ka dhacay Soobe.

Banaanbax Koonis
Banaanbax Koonis
Madaxwaynaha Iyo Duqa Muqdisho
Madaxwaynaha Iyo Duqa Muqdisho
Madaxwaynaha Oo Banaanbaxayaasha Koonis Salaamaya
Madaxwaynaha Oo Banaanbaxayaasha Koonis Salaamaya
Madaxwaynaha Oo Shabaq Ka Salaamaya Ilmo Yar Oo Banaanbaxayaasha Ka Mid Ahaa
Madaxwaynaha Oo Shabaq Ka Salaamaya Ilmo Yar Oo Banaanbaxayaasha Ka Mid Ah

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.