Dibadbaxayaal Ka Caraysan Weerarkii Soobe Oo La Rasaaseeyay.

0

Booliska Soomaaliya ayaa rasaas ku furay Dibadbaxayaal ka caraysnaa Weerarkii Sabtidii oo doonayay inay Dareenkooda ku muujiyeen Goobtii uu Qaruxu ka dhacay.

Qof Goobjooge ah ayaa HornAfrik u sheegay inuu maqlayay Rasaas socotay waqti kooban, taasoo ay Boolisku ku hor istaagayeen Banaanbaxayaasha inay galaan Goobihii Qaruxu ka dhacay, balse goor dambe ayaa loo fasaxay Dadkaasi inay ku baroor diiqaan Goobihii ay Qaraxyaddu ka dhaceen.

Dr Abdikadir Abdirahman, Agaasimaha Amiin Ambulances ayaa sheegay in 2 Qof oo Rasaasta Booliska ku dhaawacmay inay ka qaadeen Goobta, iyo Haweeneey Uur leh oo Naqasku ku xirmay.

Dibadbaxayaasha ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee isugu soo baxa goob ay Alshabaab weeraraan, Waxayna Madaxa ku soo xirteen Maryo Gaduudan oo ay ku muujinayaan Musiibadda dhacday.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.