Banaanbaxyo Baroor Diiq ah oo Muqdisho iyo Baydhabo ka socda.

0

Banaanbax ay dhigayaan Shacab ka Careysan Xasuuqii loo geystay Dadkii Maatadda ahaa ee lagu laayay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka socda inta badan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku Qeylinayay Erayo ay ka mid yihiin Doooni meyno Al-shabaab,Dooni meyno Dhiig cabe iyo kuwo la mid ah.

Banaanbaxa Maanta ayaa imaanaya, iyadoo Shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu ku dhawaaqay in Shacabka Muqdisho ay isugu soo baxaan Wadooyinka Muqdisho ayna ka dhiidhiyaan Falkii lagu laayay Dadka Rayidka ah ee Zoobe ka dhacay.

 

Baydhabo
Banaanbax Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa iyana ka soconaya banaanbax ay dhigayaan Shacabka Magaaladaas kaas oo ay ugu baroor diiqayan dadkii ku waxyeeloobay qarixii zoobe.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Goob fagaaro ah oo ku taalla Bartamaha Baydhabo iyaga oo Madaxa ku xirtay Marooyin Gaduudan.

Banaanbaxayaasha ayaa dareen ka muujinaya sida ay uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay qarixii galaaftay nolosha dad badan ee ka dhacay Magaalada Muqdisho Sabtidii aynu soo dhaafnay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.