Diyaarad dagaal oo xalay duqeyn ka geystay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay fulisay diyaarad aan la ogeyn dalka laga leeyahay ay bartilmaameedsaday gaari marayay agagaarka deegaanka Awdheegle.

Diyaaradan ayaa la sheegay in gantaal la heshay gaari la sheegay inay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Goob joogayaal ku sugan gobolka ayaa sheegaya in diyaarada ay labo gantaal ku riday gaariga, iyadoo mid ka mid ah ay haleeshay, midka kalena ay dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka waxyeelo ka soo gaartay, kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Muqdisho.

Duqeymo horay uga dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa geystay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka, waxaana lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Lama oga in duqeyntan ay jawaab u tahay weerarkii lagu hoobtay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe, inkastoo aanay wali cidna sheegan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.