XIRIIRKA WALAALNIMO EE TURKIGU WAA MID SOO JIREEN AH.

0
Dad badan oo soomaaliyeed ayaa u haysta in xiriirka walaalnimo ee turkida inagala dhexeeya uu yahay mid dhawaan gal ah, balsa xiriirka inaga iyo turkida naga  dhexeeyaahi waxa uu soo tixnaa mudo qarniyo ah.
Qarnigii 16aad waxaa gayiga soomaali galbeed si joogta ah guluf uga dhaxayn jiray imaarado musliim ah oo ay soomaalidu hor boodo iyo boqortooyadii xabashida, imaaradahaa waxaa ugu caansanayd tii imaamu #Axmed_gureey uu hormuudka ka ahaa fadhigeeduna ahaa magaalada #Harar, dagaaladaas xabashidu waxa ay u qayladhaansantay bortaqiiska oo xiligaa ugu tun waynaa saliibiyiinta, ciidamadi bortaqiisku waxa ay dagaal kala horyimaadeen muslimiintii uu hogaaminayay imaamu Axmed gureey, nasiib wanaag waxaa inoo soo gurmaday oo garabkeena istaagay boqortooyadii cusmaniyiinta oo ay hor boodayneen walaaleheen turkida.
Sidoo kale bilaawgi qarnigi 20aad halgankii #Daraawiidhtu kaga hor jeeday gumaystayaashii reer yurub iyo xabashidan, cusmaaniyiintu kaalin mug leh ayay ka cayaareen oo lataliyeyaal turki ah ayaa garab taagnaa sayidka, waxaa xusid mudan in markii igiriisku diyaarado ku garaacay fariisimihi daraawiishta ay darawiishtu garan waysay halka looga yimid balsa khubaro turki ah oo sayidka la joogtay ayaa u sheegay in waxa bambaanooyinka la dhacayo ay diyaarado yihiin, halkaas waxaa ka cad in turkigu uu daraawiishta garab taagnaa ilaa ay ka awoodadi la wiiqay.
Hadii aan u imaano taariikhda casriga ah sida aan la socono turkigu sideetankii sano ee la soo dhaafay waxa uu ka soo kabanayay burburki cusmaniyiinta, saameeynta uu dunida ku lahaa waxa ay iska ahayd mid kooban, balsa markii turkigu ku biiray quwadaha caalamka dhaqaale ahaan, milatari ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxaa uu dib u soo celiyay doorkiisi isgarabtaaga walaalaha soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaartu ragaadiyeen. waxaan marnaba la ilaawi karin doorki dowlada turkigu ka qaadatay abaarti 2011-ki, kor u qaadidda heerka aqooneed ee dhalinyarada  soomaaliyeed, soo celinta bilicda caasimadda dalka, ka qaybqaadashada dhismaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo kabidda miisaaniyadda dowladda.
Ugu dambayn xiriirka walaalnimo ee turkiga waxaa tusaale inoogu filan kaalinta ay dowladda turkigu ka qaadatay muusibadi 14-ki bishaan ka dhacday isgoyska zoobe. turkigu waxa uu inoo muujiyay walaalnimo dhan waliba ah oo aysan jirideedu meel dhaw oolin.
Waxaan alle naxariistiisi janno u waydiinayaa dadki sida xaqdarada loo xasuuqay, inta dhaawaca ah ayagana caafimaad taam ah ayaan u rajeeynayaa. sidoo kale inti ku hanti beeshayna badal khayr qaba ayaan alle uga baryayaa.
Umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxaa ka rajeynayaa in ay noqdaan kuwa isu gurmada, isu gargaara, gartana abaalka turkigu anaga iyo aabayaasheenba inagu leeyahay.
W/Q:  Sadak Alimahad

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.