Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shaaca ka qaaday dalal Soomaaliya u balan-qaaday gargaar caafimaad

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in dalalka Turkiga, Qatar, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ay balan-qaadeen gargaar caafimaad.

Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay ayuu uga mahad celiyay in gargaar caafimaad u balan-qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

“Waxaan u mahadcelinayaa dalalka Turkiga, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Qatar oo ballanqaaday gargaar caafimaad oo ku wajahan Soomaalida ku dhaawacantay weerarkii cadawtinnimada ahaa shalay lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay dowladaha iyo ururro caalami ah oo tacsi u soo diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya, una muujiyay taageero.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, iyadoo calanka hoos loo dhigay.

Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ayaa durbaba bilaabay inay howl galaan, waxaa ay bilaabeen tirakoobka dadka xaaladooda dalka wax looga qaban la’yahay oo lagu wado in maalinta berri loo qaado dibadda.

Diyaarad caafimaad iyo wafdi dhaqaatiir ah oo ay soo dirtay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga ayaa maalinta berri ku soo wajahan, si ay uga qeyb qaataan gurmadka.

Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa ah kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho, waxaa uu reebay saameyn aad u weyn, bur bur naf iyo maal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.