Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xilka La Wareegay+Sawirro

0

Munaasabada xil-wareejinta ah ayaa ka dhacday xarunta Villa Baydhaba ee Magaalada Muqdisho, Waxaana goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi  oo khudbad ka jeediyey xil-wareejinta ayaa ku dardaarmay in si xooggan looga qeyb-qaato dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,  Wuxuuna guul u rajeeyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey musiibadii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacdey Isgoyska Zoobe, Wuxuuna sheegay in tani ay tahay fariin loo diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo looga baahanyahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale Wuxuu u mahadceliyey Taliyihii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed,  Isagoo dhinaca kalana hoosta ka xariiqay inay u taallo howl adag, taasoo ah in lagu difaaaco dalkeena cadowga dhibaatada ku hayo, Wuxuuna ballanqaaday in Ciidanka uu gaarsiin doono meel ka wanaagsan halka ay hadda joogaan, Shacabkana waxa uu ka codsaday inay Ciidanka garab istaagaan.

Taliyaha Cusub waxa uu carabka ku adkeeyey in ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku aaddan sidii dalka inta ay ka joogaan aragagixisada Al-Shabaab looga xorreyn lahaa.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa munaasabadda xil-wareejinta ah ka jeediyey mahadcelin ku aadan Taliyihii hore ee Xoogga dadaalkiisii ku aaddanaa dhismaha ciidanka iyo Difaaca dalka, dhanka kale waxa uu tilmaamay in Taliska cusub looga baahanyaha in ay la yimaadaan hufnaan iyo howl badan, laguna dadaallo mideynta iyo wadajirka ciidanka Xoogga dalka si dalkeenna aan uga saarno dhibaatada amni ee uu ku jiro.

Gorod Xagaa Iyo Cirfiid
Gorod Xagaa Iyo Cirfiid
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka
Khudbadii Taliyaha Ee Xaflada Xil Wareejinta
Khudbadii Taliyaha Ee Xaflada Xil Wareejinta
Taliye Gorod Iyo Gen Bashiir Goobe
Taliye Gorod Iyo Gen Bashiir Goobe
Taliye Gorod Iyo Taliye Cirfiid Oo Xil Wareejinta Kala Saxiixanaya
Taliye Gorod Iyo Taliye Cirfiid Oo Xil Wareejinta Kala Saxiixanaya
Taliye Gorod
Taliye Gorod
Wasiirkii Gaashaandhiga Iyo Taliyihii Xoogga
Wasiirkii Gaashaandhiga Iyo Taliyihii Xoogga
Xafladda Xil Wareejinta
Xafladda Xil Wareejinta

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.